Faahfaahino kooban ayaa laga helayaa dagaalada ka dhacaya deegaano ka tirsan gobolka Nugaal una dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo qabsaday deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaalka.
Dagaalka oo ah mid wali socda ayaa waxaa laga helayaa faahfaahin kooban, waxaana ciidamada Puntland la sheegayaa iney qabsadeen deegaanka saaka uu dagaalka ka bilowday oo qiyaastii 20 km u jira deegaanka Garmaal.
Ma jiro faahfaahin dheeri ah oo dagaalka laga heli karo, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaas xoogan wali la maqlayo.
Xubnaha maamulka Puntland ee deegaanada dagaalka ka dhacaya ayaa sheegay iney faahfaahin bixin doonaan marka dagaalka uu dhamaado.
Ciidamada Puntland ee dagaalka ka qeyb qaadanaya ayaa la sheegayaa iney ka kooban yihiin Daraawiish, ciidanka badda iyo ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeeray argagixsada ee PIS loo yaan.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah


