Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay dagaalada maanta ka dhacay duleedka deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaalada dhacay ayna ku qabsadeen deegaano badan.
Wasiir Soocade, wuxuu sheegay in ciidamada ay ku dileen dagaaladii maanta dhacay ku dhawaad 11 ruux oo kamid ah ciidamadii shalay qabsaday deegaanka Garmaal.
Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada maamulka Puntland muddo 72 saac ay kusoo afjari doonaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada qabsaday deegaanada dhaca dhanka xeebta ee Nugaal iyo Bari.
Si faahfaahsan looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay maanta deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.


