Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in wali halkaasi uu ka socdo Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacaayay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.


