Dagaal mar kale ka dhacay Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Ceelwaaq-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya mar kale inuu dagaal ka dhacay degmada Ceelwaaq oo Shabaab xalay ay ku soo qaadeen.

Dagaalkaan ayaa yimid, markii unugyo ka tirsan Shabaabka ay weerareen fariisimada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Ceelwaaq, ayaa sheegay inay iska caabiyeen Xoogaga Shabaab ka tirsan ee weerarka soo qaaday.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan, ayaa tilmaamay xoogagii ka tirsanaa Shabaabka ee soo weeraray fariisimada ciidamada inay la kulmeen iska caabin adag.

Wuxuu tilmaamay inuusan jirin Khasaare ciidamada xooga dalka Somaliya ka soo gaaray dagaalkaasi, balse uu jiro Khasaare Shabaabka soo gaaray, laakiin uusan xaqiijin karin inta uu la eeg yahay Khasaaraha Shabaabka soo gaaray.

Habeen hore sidan oo kale ayeey Shabaab u soo weerareen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana dagaalkaasi ka soo gaaray Khasaare dhimasho ah, iyadoo Saraakiisha ay sheegeen in lix nin oo Shabaab ah lagu dilay dagaalka.

Shabaabka oo ka careysan Khasaaraha dagaalkii habeen hore ayaa xalay mar kale soo weeraray degmada Ceelwaaq, laakiin waa la iska caabiyay.