Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Sanaag

Wararka naga soo gaaraya degaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayana in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo Beeleed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degaanka Dararweyne ay ka taagneyd xiisada u dhaxeysay labada maleeshiyo beeleed, hayeeshee saaka uu dagaalka sitoos ah u billaawday.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa iksu heysta dhul kuyaalla degaanka Dararweyne, waxaana goobjoogayaal sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac dagaalka kasoo gaaray.

Colaadda beelaha ayaa sannadihii u danbeeyay ku soo noq-noqotay degaannada dhaca galbeedka gobolka Sanaag gaar ahaanna Ceel Afweyn iyo Dararweyne, iyada oo Somaliland ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato.