Dagaal Caawa ka socda Marko

Dagaal ayaa caawa ka socda Magaalada marko ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose.

Qaar ka mid ah dadka kunool Marko oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu dagaalku xoogan yahay.

Xaafado dhowr ah ayaa la sheegayaa in uu dagaalka sameyn ku yeeshay,kuwaa oo ay ka mid yihiin Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo Magaalada Marka ka wada tirsan.

Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga ayaa la sheegayaa in uu hakad ku jiro iyada oo Dadku ay ku jiraan Guryaha,islamarkaana aysan u suuragalin in ay ka barakacaan Xaafadaha lagu dagaallamayo.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net