Afhayeenka AMISOM Col Joe Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dhacdadii maanta ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanka Buulo mareer iyo Gol-weyn oo ciidankooda rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah kuna dhinteen afar ruux oo rayida.
“gaariga ayay ciidankeena la hadleen waxayna ku yiraahdeen istaag wuuna maqli waayay darawalkii gaariga waxayna u qaateen ciidankeena inuu weerar ku yahay, sidaas ayuuna falkaasi ku dhacay”, sidaas waxaa yiri afhayeenka Amisom.
Ciidamada AMISOM ayaa howlgal ciidan ka wada deeganada Gobalka Shabeellaha Hoose, halkaas oo mararka qaar ay jidadka ugu galaan Al-shabab taas oo ku dhalisa ciidamada AMISOM marka ay waddooyinka socdaan in aan gawaarida dadweynaha ku soo dhawaan.


