Guud ahaan Umada Islaamka oo ku kala sugan Dalalka caalamka iyo Gobolada Dalka ayaa si weyn ugu diyaar garowaya Dagaaldega iyo Farxada Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.
Maanlinta Berri oo ah Maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay ku ciidayaan farxad, waxaana jiray in maanta dadku ay inta badan soonaayeen maadaama Bisha carafo ay aheyd Maalinka Sagaalaad, oo Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ay maanta istaageen Banka Carafo kadib markii ay soo guteenAcmaasha Xajka.
Subaxda hore ee Berri ayaa la filayaa in loo dareero Tukashada Salaadda Ciida, iyadoo Garoomadda waa weyn iyo Barxadaha waa weyn dadka Muslimiinta ah ay isgu soo bixi doonaan si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada.
Dowladda Sacuudiga iyo Dowladaha Islaamka ah qaarkood ayaa ku dhawaaqay in Maalinta Berri ah oo Isniin ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.


