AKHRISO: Digniinta ay soo saartay Wasaarada Amniga

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin ah in laga bilaabo maanta oo bisha Saptember ay tahay 11  aanan lagu arki Karin Magaalada Muqdisho dhexdeeda Askeri hubeynsan oo ka mid aheyn Hay’adaha Amniga loo xilsaaray keliya.

Sidoo kale waxay Wasaaraddu ku wargelinaysaa dhamaan Ciidamada Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay inaysan wax dhaqdhaqaaqa ah ka dhex sameyn Karin caasimadda lga bilaabo 11ka Saptember oo maanta ku began ilaa Shirka IGAD uu  ka dhamanayo.

Ciddii mudadaasi gudaheeda lagu arko Caasimadda dhexdeeda waxaa laga qaadi doona talabo waafaqsan sharciga.

amniga