Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo maalinta berri ah Dadyowga Islaamka ay u diyaar garowayaan Dabaal dega maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa ayaa shacabka reer Muqdisho maanta waxa ay si aad ah u iibsanayeen Ariga maadaama Ciidan ay tahay Ciidul Adxaa.
Suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla Xaafada Raadeelka ee Degmada Deyniile ayaa waxaa maanta soo buuxdhaafiyay dadka reer Muqdisho kuwaas oo iibsanayay Ariga.
Dadka qaar ee Xoolaha ku iibiya suuqa oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in sare u kac balaaran uu ku yimid qiimaha lakala siisto Xoolaha gaar ahaan Ariga, maadaama si aad loo iibsanayo.
Waxa ay sheegeen in xoolaha ay ka keenaan Gobolada Dalka oo safar dheer ay soo maraan, iyagoo sidoo kale sheegay in Ciidan si weyn loo iibsanayo Xoolaha.
Ugu dambenytii dadka iibiya Xoolaha ayaa cabasho ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in saameyn ay ku yeelatay.



