DHAGEYSO: Rajo wanaagsan oo laga muujiyay shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe weli waxaa ka socda qaban qaabada sidii dib loogu bilaabi lahaa shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogashiisa ay taalo Magaalada Jowhar.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Maxamed, Xoghayaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaliya Pro. Yaxye iyo Mas’uuliyiin ka socota Urur Goboleedka IGAD ayaa Magaaladaasi maanta kulan kula qaatay Waxgaradka iyo Duubabka halkaasi u jooga shirka maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirkan ay maanta Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Urur Goboleedka IGAD ay la qaateen Waxgaradka iyo Duubabka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa shirkan mudada dheer qaatay.

Mid ka mid ah Ugaasyada Dhaqanka oo shirkan ka qeyb galay ayaa Risaala u sheegay in qodobada qaar ee la soo hordhigay ay isku afgarteen, isagoo sidoo kale sheegay in Labo Maalmood la is fasaxay si farxada Ciidul Adxaa loo soo qaato, waxaana la isugu soo laaban doonaa Maalinta Talaadada ah.