Baydhabo-RisaalaFM- Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dhowaan mamnuucday Qaadkii ka imaan jiray Dalka Kenya ee la keeni jiray Dalka ayaa weli waxaa jira Maamulada qaar ee Dalka ka jira in Magaalooyinkooda Qaadka si caadi ah uu uga soo dego.
Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa wareegto ay soo saareen waxa ay Digniin ugu jeediyeen Ganacsatada Koonfur Galbeed ee Qaadka sida qarsoodida ah ku soo gelisa Deegaanada Koonfur Galbeed.
Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen cidii lagu arko iyadoo si dhuumaaleysi ah Qaad ku soo gelineysa Deegaanada Koonfur Galbeed in la horgeyn doono sharciga sidoo kalena ay muteysan doonto ciqaab adag.
C/laahi Aadan Axmed (Black) oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Circa iyo Dhulka ayaa Wareegtadan ku saxiixn.



