Gedo-RisaalaFM- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Howlgal lagu sugayo amniga waxa ay ka wadaan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo Howlgalka sidoo kale laga sameynayo xaafado ka tirsan Degmada Baardheere.
Howlgaladan ayaa ah kuwo loogu talagalay in amaanka lagu adkeeyo, sidoo kalena ciidamadu ay sheegeen in looga hortago Qataro xagga amaanka ah.
Maxamed Aweys Cali oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda ee horkacaya ayaa sheegay in ujeedka Howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa falalka lidiga ku ah amniga.
Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan waxaa ka dhacay Dilal iyo weeraro qorsheysan, kuwaas oo Mas’uuliyadooda ay sheegteen Shabaab.


