DHAGEYSO: Gurmad la gaarsiinayo Deegaano laga saaray Shabaab

 Kismaayo-RisaalaFM- Kulan ay Magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa ay kaga hadleen sidii Gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa shacabka ku nool Deegaanada laga saaray Shabaab ee Jubbaland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa sidoo kale isku raacay in mar walbo laga war hayo Dadka Shacabka ah ee ku nool Deegaanada Jubbaland.

Xildhibaan Bashiir Maxamed Baahane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in la isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka shacabka ah ee ku nool goobaha laga saaray Al-Shabaab.

Xildhibaan Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada Kismaayo lagu qabanayo shir ay ka soo qeyb galayaan Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka.