Dadka Soomaaliyeed ayaa noqday kuwa ugu farxada badan wadamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, halka sidoo kale Soomaaliya ay noqotay dalka afaraad ee ugu farxada badan guud ahan wadamada Afrika ee 50-ka ka badan, ku darsoo Soomaaliya Kaalin wanaagsan ayay kaga jirtaa guud ahaan tartanka farxada ee umada Aduunka oo dhan waxaana loo calaameeyay booska 76-lixaad.
Waxaa laga yaabaa in dad badan arintaan ay su’aal ku celisay maskaxdooda, sababtoo ah Soomaaliya mudo ku dhow 30-sano waxaa ka jira daganaasho la’aan, sidoo kale sanad kasta waxay safka hore kaga jirtaa qiimaynta heerka Musuq-maasuqa, tahriibka iyo Gaajada.
Sababta aas-aasiga ah ee keenta farxada ama farxad la’aanta maaha xaaladjirta laakiin waa sida aad adigu u aragto xaaladaas.
Waxaa hubaal ah inay jiraan xaalado badan oo is babadala, oo siyaabo badan u soo mara dadka Soomaaliyeed laakiin xaaladaasi aysan is raacin.
Hadaba arintaan siday ku dhacday iyo dadka Soomaaliyeedna ma yihiin kuwo qanacsanaan iyo farxad badan, su’aalahaasi waxaan waydiinay Mudane Maxamed Cabdulaahi Cismaan oo bartay cilmiga bulshada, dhaqaalaha iyo xalinta khilaafaadka sidoo kalana wax ka dhiga Jamacada Soomaaliya UNISO.
“Waxaan dhihi karaa dadka Soomaaliyeed waxay ku wanaagsanyihiin iscaawinta iyo isku xirnaanta waxaana taas waxa keenay in kaalintaan ay soo galaan dadka Soomaaliyeed, waa war farxad leh oo laga sheegay Soomaaliya sababtoo ah xiliyadii hore warar aanan farxad badnayn ayaa soomaaliya laga baahinjiray.”sidaasi waxaa yiri Maxamed cabdulaahi.
Qofka oo faraxsan ma’ahan inuu ku jiro xaalad aanan is babadalayn ee waa inuu heesto dabeecad iyo qanacsanaan aanan guur-guurin. Dadka Soomaaliyeed ka sakow inay heestaan dhibaatooyinkaasi oo dhan hadana waxaa jirta qanacsaanan ay kaga duwanyihiin shucuubta dunida qaarkood.
Sida uu qabo Cabdiwali Yaxya Cali oo bartay shareecada islaamka sidoo kalana wax ka qora arimaha bulshada kana tirsan idaacada Risaala, dadka Soomaaliyeed oo ah dad islaam ah ayaa qayb ka mid ah ay tahay qanacsanaanta iyo farxada hada shacabka Soomaaliyeed ay kaalintaan kaga galeen qiimaynta farxada aduunka.
Farxadu maha heesashada waxa aad rabto ee waa mahdinta waxa aad heesato, waxaa jira waxyaabo badan oo ay maanta ka maqan shacabka Soomaaliyeed oo ay rabaan, hadana waxaa muuqata inay jirto qanacsanaan iyo farxada inta hada la heesto.
Wadamada Algeria, Mauritius iyo Libya, oo kala galay kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad oo kaliya ayaa Soomaaliya ka horeeya markii la hadlayo dadka Afrika.
Soomaaliya ayaa ka horaysa Ethiopia, Kenya Ungada, Burundi iyo Jabuuti oo haatan caawinaya ciidamana ay ka joogaan qaybo badan oo dalka ah.
Sidoo kale sida ay warbixintan leedahay Dadka Soomaalida ayaa ka farxad badan shacabka dalal ka nabad iyo horumar wanaagsan, sida Turkiga, Shiinaha, Urdun, Iran, Nigeria, Pakistan, Ciraaq, Masar, Greece iyo Portugal.
Dalkasta astaamihiisa waxaa ka mid ah Madaxweynaha, Soomaaliya haatan waxaa madaxweyne ka ah mudane xasan Sheekh Maxamuud, waa nin wajigiisa ay ka muuqato fur furnaan iyo farxad, waxaana dadka qaarkii ay ugu yeeraan inuu yahay shaqsi markasta faraxsan.
Ugu danbayntii warbintaan ay sida wadajirka ah u soo saareen hay’adda SDSN iyo machadka dhulka ee jaamacadda Columbia University ee dalka Mareykanka. Ayaa waxaa lagu cadeeyay in dadka ugu farxada badan dunida ay ku noolyihiin dalka Denmark waxaana sidoo kale safka hore kaga jira qiimayntaan dalka Switzerland.Norway, Finland, Canada, Netherlands, New Zealand, Australia iyo Sweden.
Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaan waydiinay dareenkooda ku aadan warbixintaan. Waxaana dadku intooda badan ay sheen in Soomaaliya ay u qalanto kaalintaan.
W/D Maxamed kaafi Sheikh


