Jubbada Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanada hoostaga ayaa waxa aya sheegayaan in dad qaar ee halkaasi ku nool ay soo wajahday caafimaad daro.
Waxaana markii dadkaas loo qaaday isbitaalada ku yaalla halkaasi loo waayay wax Dawo ah maadaama ay ka jirto deegaanadaas Dawo yari.
Arintaas ayaa sababtay in tiro dad ah ay halkaasi ugu geeryoodaan Dawo la’aan.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha ay ka codsanayaan in ay la soo gaaraan gar gaar si loo bad baadiyo dadka halkaasi ku xauunsanaya.
Waxaana maamulka deegaanadaas ay wadaan dadaalo wax loogu qabanayo dadka ku dhibaateysan deegaanada gobolka Jubbada Hoose.
Ma ahan markii ugu horeysay cabasho ceenkaan oo kale ah ay ka soo yeerto dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose.


