Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay Shabeellaha Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay waxa ay dagaal kula galeen ururka Al-shabaab deegaano  hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa geystay khasaraare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ay wajaheen deegaano ku yaalal duleedka Afgooye oo Shabaabka ay ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa la sheegay  inay dalbadeen gurmad badan oo ciidan ah oo ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamada Huwanta ee weerarka lama filaanka ah ku soo qaaday.

War kooban oo AMISOM ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la galeen Al-shabaab lagu dilay 5 sarkaal.

Dhanka kale war ka soo baxay wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay Duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen ururka Al-shabaab.

Waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Duqeyntaas saraakiil ka tirsan Al-shabaab.