Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 20 berri u qabatay dadka degan dhismaha madxafka qaran in ay kaga guuraan, si loogu bilaabo dhismo iyo dib u dayactir.
Masuuliyiin dowladda ka tirsan oo ay ka mid yihiin wasiirka amniga, wasiirka boostada, taliyaha ciidanka booliska iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta booqday dhismaha madxafka qaran.
Guddi hoosaadka dhismaha madxafka qaranka oo ka mid ah xarumaha loogu tala galay in lagu dhiso barnaamijka isxilqaan ayaa sheegay in dadka degan lagala tashaday islamarkaana la isku afgartay in mudo 20 cisho ah ay kaga guurayaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo goobta ka hadlay ayaa wuxuu sheegay ujeedka inuu yahay si goobtan oo dan guud aheyd u soo noqoto, islamarkaana loogu adeego bulshada.
“Shaqsiyaadkii halkan deganaa xushmad iyo karaamo ayay naga mudan yihiin, shacabkii aan la tashanay waxay noo sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dowladnimada, mudada 20-ka maalmood ee aan u qabaneyna ay uga guuraan”. ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhawaan ku baaqay in si isxilqaan ah lagu dhiso goobaha danta guud ee dalka, si loo soo celiyo bilicdii uu dalka lahaa.



