Dad shacab ah oo lagu dilay Shabeelaha Dhexe

Wararka  naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in xalay kooxo hubeysan ay dad shacab ah ku dileen deegaan lagu magacaa Gololeey oo hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxo hubeysan weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale la xaqiijiyey in ay dhaawaceen 5 qof oo ka mid  ahaa dadka deegaanka Gololeey.

Deegaanka Gololeey ayaa 45 km waxaa uu u jira magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in 4 qof ay dhinteen oo  ay ku jirta qof dumar .

Xaalada deegaanka ayaa saakay Kacsan waxaana la sheegaya in dhaawacyadii loo la soo cararay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa weli ka hadlin dadkaan xalay lagu laayey deegaanka kolonleey Shabeelaha Dhexe.