Dad ku dhintey Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Shilkaan gaari oo geystay khasaro dhimasho ah ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada Aadan-Cadde ee kala qeybisa degmooyinka Warta-nabada iyo Howl-Wadaag,waxaana uu yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaada ah iyo mooto Bajaaj.

Qof goobjooge ayaa Risaala u sheegay in Gaariga oo ahaa nooca carada qaada uu dulmarey Mooto Bajaajta,isla markaana ay ku geeriyoodeen laba haween ah oo saarnaa halka uu ka boodey wadihii Mootada.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaarey halka uu shilka gaari ka dhacay,iyaga oo gacanta ku dhigey Gaarigaiska rogaha ah ee carada wadey iyo Darawalkii wadey.