Waxaa Maanta Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaalida ka qabsoomay bannaanbaxyo looga soo horjeeday dilkii shalay halkaasi loogu geystay Xildhibaanad Juweeyriya oo kamid aheyd Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.
Juweeyriya ayaa waxaa la sheegay in ay u geeriyootay rasaas uu furay Askari kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada, kaas oo kamid ah ilaalada Garoonka Diyaaradaha Wiilwal ee Magaalada Jigjiga.
Dadka banaanbaxa dhigaya oo ka careeysay dilka Xildhibaanad Juweeriya Subcis ayaa diidan in la aaso, iyaga oo dalbaday in la garab keeno oo cadaaladda la marsiiyo Askarigii dilka u geystay.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa tegay Isbitaalka uu kujiro meydka Xildhibaannada, iyaga oo sheegay in aysan aqbali doonin in la aaso, iyada oo aan cadaaladda la marsiin Askarigii dilka u geystay.
Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa la dhoobay waddooyinka waaweyn ee magaalada Jigjiga, si ay u xakameeyaan dadka ka careeysan dilka Xildhibaanad Juweeyriya oo kamid aheyd Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa goor sii horeeysay sheegay in gacanta lgu haayo Askarigii dilay Xildhibaannada, isla markaana ciqaabteeda uu mari doono.