Dabley ku lebisan dharka dhaqaatiirta ayaa weeraray cisbitaalka ugu weyn ee militariga dalka Afghanistan.
Gudaha cisbitaalka waxaa ka dhacay dagaal aad u xoog badan, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee dalkaasi.
Ugu yaraan seddax qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, balse waxaa suuragal ah tirada dhimashada ay intaa ka badato.
Ciidamada komandoska Afghanistan ayaa diyaarad laga daadiyay, gudaha ayeyna u galeen cisbitaalka si ay mintidiinta ula dagaallamaan.
Madaxweynaha dalkaasi Ashraf Ghani wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday cisbitaalka uu yahay mid “halis gelinayo qiimaha nolosha aadanaha”.
“Dhammaan diimaha, cisbitaalka waxaa loo tixgeliyaa sida meel sharfan, in la weerarana waxay ka dhigan tahay in Afghanistan oo dhan la weeraray”, ayuu yiri madaxweynaha.


