Waaxda Qaramada Midoobey u qaabilsan difaaca xuquuqda aadanaha ayaa madaxweynaha Mareykanka ku eedeysay inuu hurinayo dembiyada naceybka.
Madaxa laantaasi, Zeyd Racad Al-Xuseyni wuxuu sheegay in Trump uu sababay naceybka ka dhex taagan bulshooyiinka.
Al-Xuseyni ayaa sidoo kale tilmaamay in eedaha “beenta ah” ee Trump uu u jeediyay soo galootiga ay sababeen dembiyo badan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in hadalladiisa ay abuureen xadgudubyo ka dhashay naceyb.
Wuxuu Al-Xuseyni xaqiijiyay in shuruucda cusub ee socdaalka Mareykanka ay sababi doonaan is ku dhacyo badan iyo in dad badan la xiro.
“Kuwa raadsanaya inay megengelyo helaan haddii dib loo celiyo, naftooda ayaa halis galeyso waana la dili karaa,” ayuu yiri.
Wuxuu intaaa raaciyay in tallaabooyiinka Trump ay xadgudub ku noqon karaan xeerarka caalamiga ah.
Zeyd Racad Al-Xuseyni ayaa sidoo kale cambaareeyay isku deyada Trump “uu ku handadayo kuna liidayo saxafiyiinta iyo garsoorayaasha maxkamadaha”.


