Dabeylo xooggan oo markab kuwa xamuulka ah ka daadiyay 270 kunteenar

Burburka qalab uu sida markab kuwa xamuulka ah ayaa ku soo caariyay jasiirad ku taal woqooyiga Netherlands ka dib markii 270 kunteenar ay ka daateen markab xumuul oo ay dabeylo xoogan ku dhufteen.

Qalabkii ku jiray kunteenaradani oo biyaha dul sabeynayo ayaa qabsaday xeebaha ilaa shan jasiiradood oo ay ka mid tahay jasiiradda Terschelling, waxaana ilaalada xeebaha dalkaasi ay badda wali ka raadinayaan qaar ka mid ah kunteenarada la la’yahay.

Kunteenaradani ayaa ka daatay markab lagu magacaabo MSC Zoe oo marayay meel u dhow jasiiradda Jarmalka ee Borkum balse mowjadaha badda ayaa inta badan kunteenaradaasi u qaaday dhanka koonfur galbeed.

Waxaa la arkayay sawirrada qalabka carruurta ay ku cayaarto iyo qalab kale oo dul sabeynayo xeebaha dalka Netherlands.

Balse mas’uuliyinnta ayaa sheegaya in saddex ka mid ah Kunteenaradaasi ay ka buuxeen waxyaabo sun ah, waxaana ilaalada xeebaha waddamada Netherlands iyo Jarmalka ay dadka uga digeen in ay u dhawaadaan kunteenaradaasi