Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaro ayaa sheegaya in dab uu qabsaday goor dhaw oo caawa ah.
Dabka ayaa ka kacay guryo ku yaalla Suuqa Dahabka.
Gaadiidka gurmadka degdeg ah ayaa ku howlan daminta dabka.
Qaar ka mid ah ganacsatadda bakaaraha ayaa Risaala sheegay in uusan aheyn dabku mid xooggan.



