Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa Risaala u xaqiijiyay in taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Odawaa Yuusuf Raage uu ka kaxeystay dhammaan Ilaaladii ilaalinaysay ee ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xildhibaanada waxa ay sheegeen in ay xaalad halis ah hadda ay ku sugan yihiin, islamarkaana aysan kasoo bixin guryaha iyo Hoteelada ay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho.



