Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala lagu soo gaba gabeeyay Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha oo sanadkii 3-aad Idaacadda Risaala ay qabaneyso.
Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha ayaa waxaa sanadkan Taaba galinayay oo abaal marino qaali ah ku bixiyay gaba gabadiisa Waberi Jumbo Companay.
Maanta ayaa xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala waxaa lagu soo gaba gabeeyay Tartankii Qur’aan Akhrisaka Gabdhaha, iyadoo Tartankan uu soo bilowday Bishan Ramadaan kowdeeda.
Munaasbadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Shirkadda Waberi Jumbo Company iyo Maamulka ugu sareeya ee Idaacadda Risaala.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Al-ustaad Moahmed C/wahaab C/laahi oo kulanka ka hadlay ayaa aad ugu mahad celiyay Maamulka Waberi Jumbo Company iyo sidoo kale shaqaalaha Guud ee Risaala.
Waxaana abaalmarinta loo bixiyay sid a tan.
Kaalinta 1-aad $ 500
Kaalinta 2-aad $ 400
Kaalinta 3-aad $ 300



