Muqdisho-RisaalaFM- Midowga Ardayda Jaamacada Islaamiya ayaa Maanta Kaalmo ku gaarsiiyay Degmada Shangaani Qaxootiga Yemeniyiinta ee ka soo barakacay Dagaalada ka dhacay Dalka Yemen.
150 Qoys oo ka sugan Degmada Shangaani ayaa loo qeybiyay Lacago ay isku soo agaasimeen Midowga Ardayda Jaamacada Islaamiya waxaana qaabkii lacagahaasi loo qeybiyay Idaacada Risaala kaga warbixiyay Gudoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacatu Islaamiya Cabdu qaadir Axmed Cuumiye.



