Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta Idaacada Risaala ee Degmada Xamar Jajab, maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Afar Tartan oo tan iyo Bilowgii Bishan Ramadaan ka socday Idacada Risaala.
Tartamada la soo gaba gabeeyay maanta waxaa ka mid ah Tartanka Qur’an Akhriska Caruurta oo ay ku baratamayeen Hal Jus, waxaa maalgelinayay Xarunta Isku Daweynta Dhirta iyo Qur’anka Kariimka ee Ibnu Qayim Al-Jowsi.
Sidoo kale Tartanka Shareecada oo isna ka socday Idaacada ayaa la soo gaba gabeeyay, waxaana maal gelinta ku bixinaayay Xarunta Isku Daweynta Dhirta iyo Qur’anka Kariimka ee Ibnu Qayim Al-Jowsi.
Tartanka Qur’aan Akhriska Halka jus ayaa kaalinta Koowaad Ardaygii galay, waxaa lagu abaalmariyay Boqol Doolar, halka kaalinta labaad iyo Saddexaad la kala siiyay lacag dhan 70 doolar iyo Kontan Doolar.
Xarunta Isku Daweynta Dhirta iyo Qur’aan saarka ee Ibnu Qayim ayaa sidoo kale abalmarisay Tartamayaashii kaalmaha ka galay Tartanka Shareecada, waxaana kaalinta koowaad 100, kaalinta labaad 70 halka Kaalinta Saddexaad la siiyay 50.


















