Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta xarunta Idacaacadda Risaala lagu soo gaba gabeeyay Tartanka Qur’aan Akhriska Caruurta 15-ka Jus oo sanadkan uu maalgaliyay Bankiga Salam Somali Bank.
Munaasabadda Tartankan lagu soo xirayay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala, xubno ka socdey Bankiga Salaam Somali Bank, Waalidiin, iyo Ardayda kaalmaha ka galay Tartanka.
Bankiga Salam Somali Bank ayaa abaalmariyay Tartamayaashii kaalmaha ka galay Tartanka Qur’aan Akhriska Caruurta 15-ka Jus, iyadoo kaalinta koowaad lagu abaalmariyay lacag dhan 400 oo doolar, Kaalinta labaad ayaa la siiyay 300 oo doolar, halka kaalinta Saddexaad la siiyay Labo boqol oo doolar, iyadoo ugu dambeyn kalinta Afaraad la siiyay 100 Doolar.
Agaasimaha Idaacada Risaala Ustaad Maxamed C/wahab C/laahi ayaa uga mahadceliyay ayaa Bnakiga Salaam Somali Bank uga mahadceliyay qaabka uu u abaalmariyay Tartamayaashii ka qeyb qaatey tartankan.






