Daawo Sawiradii ugu dambeeyay weerarkii Halgan

Halgan-RisaalaFM- Deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan oo maalin ka hor uu ka dhacay dagaal xoogan ayaa waxaa gaaray saraakiil ka tirsan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha AMISOM ayaa warbaahinta u soo bandhigay 140-maydadka Al-shabaab ah kuwaasi oo lagu dilay dagaalka ka dhacay Halgan oo ka dambeeyay markii weerar ay soo qaadeen Al-shabaab.

Sidoo kale saraakiisha AMISOM ayaa warbaahinta tusay in ka badan 100, Qori oo ah AK47 iyo Hub kale oo badan oo ay ku jiraan Bastoolada iyo Bam Gacmeedyo.

Afhayeenka ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Korneyl Joe Kibet, ayaa faah faahin ka bixiyay weerarka qorshaysan, ee ururka Al-shabaab ay ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, 9, 10,