Kenya-RisaalaFM- Boliiska dalka Kenya ayaa soo saaray digniin cusub oo ku aadan weeraro Al-shabaab ay ka geystaan dalka Kenya, inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Digniintaan oo ka soo baxday Taliska Booliska dalka Kenya ayaa lagu wargeliyay Hay’adaha amaanka dalkaasi in ay galaan feejignaanta ku aadan dhanka amaanka iyo ka hortagga weerarada Al-shabaab.
Boliiska dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in suuragal ay tahay Shabaabka in ay weeraraan Magaalooyinka Mombasa, Malindi iyo Nairobi, iyagoo intaasi raaciyay weeraradaasi Shabaabka in ay ka soo abaabulayaan Kaymaha Boni.
Afhayeenka Ciidamada Boliiska Kenya, George Kinoti ayaa shaaca ka qaaday in amaanka la adkeeyay kadib markii ay soo baxeen xogo ku aadan in Al-shabaab ay damacsan yihiin fulinta Weeraro xoogan.
Xoogaga Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka geystay gudaha dalka Kenya, waxa ayna ku dileen muwaadiniin badan oo Kenyatti ah.
Boliiska Kenya ayaa dhowr mar shaaciyay digniino kala duwan oo ku aadan suurtagalnimada weeraro ay geystaan Shabaabka Soomaaliya ka dagaalama.


