Muqdisho-RisaalaFM- Maxkamada Ciidanka QS ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku riday Labo nin oo ay sheegtay in lagu helay danbi ah in ay maleegeen Qaraxii loo geystay Diyaaraddii Daallo Airline Labadii Bishii Febraayo ee sanadkan xilligaas oo ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa 8 eedeysane ku xukuntay xabsi u dhexeeya Afar sano ilaa Lix Bilood.
Safiyo Cabdullaahi Xasan oo ahayd gabadha kaliya ee ku jirtay dadka loo haystay dacwadaasi ayaa lagu xukumay Afar sano oo xabsi ciidan ah.
Dacwada kiiska la xiriira Qaraxii Diyaaradda Daallo ka dhex dhacay wax yar uun kadib markii ay ka kacday Garoonka Muqdisho ayaa soo martay dhawr dhagaysi iyadoo tirada dadka loo haystay ay la ekaayeen 15 qof oo mid kamid ah nin dacwadiisa la qaadayay isagoon gacanta lagu hayn.
Dadka loo haystay dacwadan ayaa isugu jiray shaqaale garoonka ka shaqayn jiray, xubno ka tirsan ciidamada amaanka iyo dad kale kuwaas oo la soo qab qabtay kaddib baaritaano ay sameeyeen laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.




