Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland lagu dhaariyay xubnaha maxkamada Sare ee maamulka Puntland.
Dhawaan madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay xubnaha maxkamada sare ee maamulka Puntland.
Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax ka tirsan maamulka Puntland oo ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camay ayaa tilmaamay in garsoorku uu yahay masuuliyad weyn oo u baahan in si taxadar leh loo guto isla markaana loo caddaalad sameeyo ummadda.



