Dad badan ayaa isugu soo baxay caasimadda dalka Yemen ee Sanca, waxaana ay ka mudaharaadayaan duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha xulafada uu horkacayo Sacuudiga.
Xulafadaasi ayaa taageeraysa dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee dagaalka kula jirta fallaagada Xuutiyiinta, balse waxaa gaashaanbuurta Sacuudiga lagu dhaliiyay in rayid badan ay ku dishay weerarradeeda cirka ah.
Hay’dda caalamiga ah ee caafimaadka ka shaqeysa MSF, ayaa Khamiistii shaacisay in ay shaqaalaheeda kala baxayso lix cisbitaal oo ku yaalla waqooyiga Yemen, ka dib markii 19 qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday mid ka mid ah xarumaheeda.


