Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisulwasaaraha dalka uu kala hadlay sidii Aas Qaran Muqdisho loogu sameyn Gen. Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ehelada marxuum ay kala hadleen Aaska Gen Samatar ayna aqbaleen in aas Qaran loogu sameeyo Muqdisho.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay geerida ku timid Marxuum Maxamed Cali Samatar in ay tahay mid laga naxo, waxuuna sheegay markii ay soo gaartay geerida Samatar in uu la xariiray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Dhanka kale gudoomiyha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay waxqabadkii afartii sano ee la soo dhaafay ee baarlamaanka Soomaaliya, waxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay shaqooyin badan u qabteen dalka.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya in ay xilka haynayaan tan iyo inta laga helaayo baarlamaakii badeli lahaa.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay u duceeyaan xildhibaanadii la dilay 4tii sano oo ay shaqada hayeen baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in 18 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay ku dhinteen weeraro argagixiso waa sida uu hadalka u dhigaye.
20 ka August maanta oo kale sanadkii 2012 ayaa barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada jira loo dhaariyey in ay noqdaan golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya.


