Daawo Sawirada Taliska ciidanka oo sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan Daacish

Ciidanka xoogga dalka  Soomaaliyeed  ayaa ka warbixiyey  howlgal  lagu burburinaayay Xarumo Kooxda Daacish ay ku lahaayeen Soomaaliya gaar ahaan gobolka Sh/Hoose.

Howlgalka ayaa intiisa badan waxaa laga fuliyey deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska, kuwaasi oo fuliyay weerarada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsado Saldhigyada Shabaabka ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howlgal balaaran oo lagu burburinaayo baraha kooxda Daacish  ay ku leedahay gobolka Shabeellaha Hoose.

6 5 4 3 2 1