Baarlamaanka oo maanta markale ka doodaya hanaanka doorashada

Xilidhinaanda Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta   lagu wadaa in ay mar kale ka doodaya hanaanka doorashada 2016.

Mudanayaasha baarlamaanka dowladda Soomaliya ayaa  shalay dood adag ka yeeshay qodobadii uu u gudbiyey ra’iisulwasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay  ka baaqday in uu tago xarunta golaha shacabka si ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya wax uga weydiiyaan qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran ee dhowaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Xilidhibaanada ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gabgabeeyaan ka dooditaanka hanaanka doorashada dalka.