DHAGEYSO:Tahriibayaal laga soo qabtay Xeebaha Masar

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dooni ka raacay dalka Masar ayaa laga soo qabqabtay badda u dhexeysa Masar iyo dalka Talyaaniga.

Ciiddanka Badda Masar waxay baaritaano ku sameeyeen dadka saarnaa Doonidaasi, oo tiradoodu gaarayso  159 Tahriibayaal si sharci-darro ah ku safrayey, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Somalia, Ethiopia, Sudan, Yemen, Eritrea.

Mid ka mid ah dadka dooni saarnaa ayaa sheegay in ciidanka dowladda Masar ay kusoo qabqabteen doonyaha dheereeya ,waxuuna sheegay in lagu soo celiya dalka Masar.