Al-Shabaab oo xilka ka qaaday hogaamiye Sare

Ururka Al-Shabaab ayaa xilka ka qaaday wakiilkii Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla.

Sababa rasmiga ah  ee xilka looga qaaday hogaamiyahaas ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa wali la shaacin laakiin ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ay dacwad ka gudbiyeen qaar  ka mid ah beelaha dega gobolka Shabeelaha hoose.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaalo u dhaxeeya labo beelood oo dagan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadis Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ay salka ku hayso hadal dhawaan kasoo baxay ururka Al-shabaab kasoo ahaa  in beelaha ku dagaalama Shabeelaha Hoose ay ku heshiiyaan muddo gaaban.