Daawo Somaliland oo maanta u dabaal dageysa 18-ka May iyo ammaanka oo la adkeeyay

Deegaanada Maamulka Somaliland ayaa waxaa si weyn uga socda dabaal daga 18-ka May oo ah maalintii Somaliland ay sheegtay in ay ka goosatay Soomaaliya inteeda kale.

Ammaanka magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliland ayaa si weyn loo adkeeyey ,waxaana la arkaaya ciidanka ammaanka oo gaaf wareegaya wadooyinka iyo sidoo kale xaafada magaalada Hargeysa oo ah caasimada Maamulka Soomaliland.

Munaasabada ayaa u socota si heer sare waxaana jira xaflado waa weyn oo lagu qabanayo hoteelada iyo sidoo kale xarumaha maamulka Soomaaliland.

Somaliland ayaa 18-­kii bishii May ee sanadkii 1991­kii ku dhawaaqday inay Somaliya inteeda kale ka go’day, balse illaa iyo haatan ma jiro wax aqoonsi ah oo ay heshay.

  1.  FB_IMG_1463568270671FB_IMG_1463568108444FB_IMG_1463568196136FB_IMG_1463568186865

    FB_IMG_1463568231029FB_IMG_1463568243983FB_IMG_1463568236554FB_IMG_1463560026500 FB_IMG_1463558222953 FB_IMG_1463560018608 FB_IMG_1463560001509 FB_IMG_14635599947816 5 4 3 2 1