Daawo Sawirada: Madaxweyne Gaas oo booqday saldhigyada ciidamada Puntland

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagey saldhigga Dhexe ee booliska ee Garoowe, waxaana uu soo kormeeray dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay saldhigaasi oo xilligaasi ay ka socotey shaqadiisii caadiga ahayd.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu waraystay dhibanayaal haween u badnaa oo ku sugnaa qolka Oobiga kuwaas oo  booliska u soo gudbinayey cabashooyin ay qabaan si boolisku uga hawl-gallo.

1 2 3 4 5 6