Waxaa maanta Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ee magaalada Muqdisho lasoo taagay 13 ruux oo intooda badan siyaabo kala duwan uga shaqaynayey garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.
Waxaana loo haystaa dadkaasi inay ku lug lahaayeen qaraxii diyaaraddii Daallo dhexdeeda ka dhacay xilli ay hawada ku jirtay kana duushay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho taariikhdu marka ay aheyd 02/02/2016.
Aalad qaraxda oo diyaaradda lagu qariyey uuna watay sida la aamisan yahay nin lagu magacaabay Cabdisalaam Boorleh oo isaga kaligiis qaraxaas ku dhintay ayaa diyaaradda dhexdeeda ku qarxay xilli ay hawada ku jirtay.



