Waxgarad Ku biiray Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Beledweyne

Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Beledweyne gobolka Hiiraan ayaa marba marka ka dambeysa ku biiraya odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha Soomaliya.

Garoonka diyaaradaha Beledweyne ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi balaaran oo ka yimid magaalada Buulo-burde, kuwaa oo u badnaa odayaal dhaqameed iyo waxgarad u yimid magaalada Beledweyne ka qeyb-galka shirka dib u hishiisiinta.

qaar kamid ah golaha odoyaasha dhaqanka oo hadalo kooban ka jeediyay shirka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafuuda ku biirtay Shirkan.

odoyaasha iyo waxgaradka maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegey in ay taageersan yahiin shirkan Beledweyne ka socda.

Shirkan ka socda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa furmay horaantii Bishan, waxaana wali uu hakad ku jiraa shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo gogashiisa ay taalo magaalada Jowhar.