Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka xog-haya guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa u qaabilsan Soomaaliya dhinaca aadanaha Peter de Clercq.
Kulanka uu Madaxyne ku-xigeenku uu la qaatay Peter de Clercq ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro, Hay’adda Waddooyinka Puntland,Taliska Ciidanka Police ka Puntland iyo Agaasmiha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland, halka dhinaca hay’adaha qaramada midoobeyna ay uga soo qayb galeen Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Madaxa UNDSS ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay hay’adaha WHO, IOM iyo UNAIDS oo dhammaantood kamid ahaa waftigii uu hoggaaminayey Peter de Clercq.
Ujeedka socdaalka waftigu ayaa salka ku hayey gurmadka abaaraha ka jira Puntland iyo doorkii ay ka qaadan lahaayeen hay’adaha qaramada midoobey ee ka hawl gala Puntland iyo sidoo kale sidii loo dar-dargelin mashaariicda ay qaramada midoobey kawado Puntland.
Dhinaca kale Peter de Clerc ayaa madaxweyne ku-xigeenka uga warbixiyey halka uu marayo baaqii maamulka Puntland ay u dirtay hay’adaha Qaramada Midoobe ee ahaa in ay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha xilligan ka jira Puntland, waxaana uu sheegay in hay’adaha oo dhami ay samaysteen qorshayaal cusub oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan.



