Gaalkacyo-RisaalaFM- Waxaa maanta Qabuuraha Cirjiife ee Bariga magaalada Gaalkacyo lagu aasay Allaha Unaxariiste Eng Cumar Maxamed Cabdulle oo xalay lagu dilay masjidka salaama ee Gaalkacyo.
Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo saraakiisha ciidamada iyo dadweyne aad u fara badan.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo aaska hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tacsi ay u diyaraan guud ahaan bulshada gobolka Mudug si gaar ahna ay ugu tacsiyaynayaan ehelada Marxuum Cumar Dheere.