DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh” Caalamka kuma qanacsana sida aan ula dagaalameynay AS”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumadii ka qayb gashay Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed ee kusoo gabagaboobay magaalada Muqdisho ayaa uga mahad celiyay sida midnimada leh ee ay Ummadda soomaaliyeed ugu soo bandhigeen dhibaatada ay Al-Shsbaab ku hayaan dadka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in si qaldan ay aheyd in hab millateri kaliya lagula dagaalamo Al-Shabaab, isla markaana taasi aysan ku qanacsaneyn Caalamka.

Wuxuu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabkeeda ay billaabeen kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ka guuleystewn.

Halkan ka daawada hadalka Madaxweynaha.