Ciidamo Hawlgal ka sameeyay degaanno ka Tirsan gobolka Jubada Hoose

Wararka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya Ciidanka kumaandooska xoogga dalka soomaaliyeed ee Danab ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen  deegaanno ka tirsan  gobolka Jubada hoose .

Deegaannada howlgalka ka dhacay ayaa kala ah buulo Xaajji  ,beernasi  iyo cusbo oo kawada tirsan degmada badhaadhe ee gobolka jubada hoose .

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha  ururka 5aad guutada 16-aad ee cidanka kumaandoska Xooga Dalka Soomaaliyeed  ee Danab Gashaanle carab dheg axmed , waxayna  ciidanku burburiyeen Xarumo Alshabaab  ay ku layaaheen degaamadaas , waxaana jira qasaare xooggan oo ay ciidanku gaarsiiyeen Xubnaha Alshabaab ee ku sugnaa a dhulka howdka ah sida uu sheegay Taliyaha  ururka 5aad guutada 16-aad ee cidanka kumaandoska Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ee Danab  Gashaanle carab Dheeg  Axmed oo howlgalka hoggaaminayay .

Mudooyinkii dambe Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa Hawgaallo ka dhan ah Alshabaab ka waday degaano ka tirsan gobolada dalka inkastoo ay la kulmyeen  weeraro uga imaanaya xubnha Alshabaab eek u sugan degaanadaa Hawlgallada ay ka socdaan .