Laamaha Amniga Galmudug oo ka hortagay Qaraxyo loo waday Magaalada Dhuusamareeb

Ciidamada amaanka ayaa bar koontarool oo banaanka magaalada Dhuusamareb ah ku fashiliyey labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kuwaa oo la doonayay  in la soo geliyo magaalada Dhuusamareeb .

Baabuurta qaraxyada siday ayaa Ciidamadda Amniga Galmudug ay uga hortageen  barkoontarool  oo ku taalla  Banaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dawlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa sheehaya in Qaraxyada ay dhaceen iyadoo ciidamada  Amniga Galmudug  ay rasaas ku ridayaan gaadiidka qarxay oo daqiiqado, waxaana lagu guuleesyay in lagu hakiyo tuulo qodax oo ah banaanka magaalada sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amniga.

Dawlada Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegtay Ciidanka ammaanka saaka ay  ka hor tageen  laba gaari oo Alshabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay soo geliyaan magaalada Dhuusamareeb.

Lama sheegin khasaare ka dhashay  baabuurta ay ku rarnaaayen walxagaha qarxa oo lagu qarxiyay banaanka Magaalada Dhuusamareeb