Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ku baaqay in la xoojiyo Dagaalka ka dhan ah Alshabaab

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jenaraal  Ibraahin Sheekh Muxudiin, ayaa kormeeray Taliska Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab Xoogga Dalka Soomaliyeed , isagoona kulan la qaatay Taliyaha Guutada,Taliye Xigeenka Guutada iyo Qaar ka mid kamid ah Taliye Ururada Guutada 16-aad danab & Saraakiil kale.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa siddii  loo Dardargalin lahaa Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo Taliyuhu k bogaadiyey Ciidanka Danab inay sii laba jibaaran dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale kula dardaarmay  Dhamaan Ciidamada Qalabka  in ay ka qayb qaataan dagaalka  dawlada Federaalka ay ku dooneyso in dalka looga saaro Alshabaab .